Jubbaland oo weerar afka ah ku qaaday Madaxweyne Farmaajo

Madaxtooyada Jubbaland ayaa Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku eedeysay in hub iyo ciidan uu weli ka dejinayo Gobolka Gedo, xilli abaaro daran ka jiraan gobolkaasi iyo deegaanada kale ee Jubbaland, laguna hawlan yahay, sidii wax looga qaban lahaa.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu sheegay bedelkii Dowladda Federaalka dhankeeda ay gacan ka gaysan laheyd wax ka qabashada abaarahaasi, in shalay oo ugu dambeysay ay gaadiid dagaal iyo ciidanba gaysay gobolkaasi.

Halkan ka akhriso Warsaxaafeedka Jubbaland

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com