Lafta-gareen oo ugu dambeen soo gaaray Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)

Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen), Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho, ka dib tan iyo daba-yaaqadii bishii February oo uu ku sugnaa dalka Turkiga.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa waxaa Garoonka Aadan Cadde ku soo dhaweeyay xubno ka tirsan Gole-yaasha Dowladda iyo bulshada qaybteeda.

Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa xilligan Magaalada Muqdisho u yimid ka qaybgalka shirka berrito uga furmaya Madaxda Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, ee looga hadlayo dhameystirka arrimaha doorashooyinka ee dalka.

Shirkan ayaa sida uu qorshuhu yahay waxaa uu ka furmi doonnaa Xerada Afisyooni, oo ku taalo dacalka Garoonka Aadan Cadde.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com