Taliska Booliska oo ka hadlay ciidamada la sheegay in la geeyay Garoonka Aadan Cadde

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa war ka soo saaray wararka sheegaya in ciidamo cusub la geeyay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Warka ayaa lagu sheegay haba yaraatee inaanan jirin ciidan cusub ama kuwa dheeri ah oo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo la geeyay Garoonka Aadan Cadde.

Booliska Soomaaliyeed, AMISOM iyo saaxiibada kale ayaa qoraalka lagu sheegay waxay wataan howl maalmeedkooda caadiga ah.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com