Wafdi ballaaran oo maanta gaaray Magaalada Kismaayo (SAWIRRO)

Kuxigeenka Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Somaliya, Adam Abdelmoula, oo ay wehliyaan xubno ka socda Hay’adaha UNHCR, WHO, UN OCHA iyo WFP ayaa maanta gaaray Magaalada Kismaayo.

Madaxweyne Kuxigeenka 1aad ee Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan ayaa wafdigaasi ku qaabilay Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Kismaayo.

Kulanka ayaa looga hadlay soo laba kacleynta xanuunka COVID-19 ee dalka iyo wax ka qabashada abaaraha ka jira deegaanada Jubbaland.

Wafdiga Qaramada Midoobey ayaa sheegay in Jubbaland ay ku garab istaagayaan dadaalka ay ugu jirto, sidii wax looga qaban lahaa abaaraha iyo xaaladaha kale ee bini’aadantinimo, taas oo ay qayb ka tahay, sidii loo abuuri lahaa qorshe mustaqbalka ah oo lagaga hortagayo xaaladaha ceynkani oo kale ah.

Intii uu kulanku socday ayaa leeskula soo qaaday ayaxa ku habsaday deegaano ka tirsan Jubbaland, waxayna wafdigu ballanqaadeen in Jubbaland kala shaqaynayaan, sidii ay beeraleyda dhibaatadaasi uga soo kaban laheyd.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com