Maxay ka wadahadleen Madaxweyne Deni iyo Danjiraha Turkiga

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa caawa muuqaalka foggaan-aragga ee Zoom-ka kulan kula yeeshay Danjiraha Turkiga ee Somaliya, Amb. Mehmet Yilmaz.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in Danjiraha Turkiga ka wadahadleen xaaladda dalka, gaar ahaan midda doorashooyinka.

“Waxaan caawa kulan kula qaatay hab-ka maqal iyo muuqaalka ah ee (Zoom), Safiirka Dowladda Turkiga ee Somaliya, Danjire Mehmet Yilmaz, waxaan ka wadahadalnay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashada.” Ayuu yiri Madaxweyne Deni oo warkan ku sheegay bartiisa Facebook.

Kulankan ayaa imaanaya, xilli Madaxda Puntland iyo Jubbaland iska diideen ka qaybgalka shirka wadatashiga qaran, oo shalay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ka furay Magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Deni ayaa Axaddii sheegay in ka hadalka arrimaha doorashooyinka ee dalka ay ka horeyso in marka hore laga hadlo Ciidanka Qaranka, oo sida uu sheegay ay gaar ahi u isticmaalaan Madaxda Dowladda Federaalka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com