Mucaaradka oo shir uga furmay Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)

Waxaa maanta uu Magaalada Muqdisho shir uga furmay golaha la magac-baxay Madasha Badbaado Qaran, oo toddobaadkii hore Caasimadda Muqdisho looga dhawaaqay.

Madashan ayaa waxaa ku mideysan Maamulada Jubbaland, Puntland, Midowga Musharixiinta iyo Golaha Siyaasiyiinta ee Somaliland.

Madaxweyne-yaasha Puntland, Jubbaland, Xubnaha Midowga Musharaxiinta iyo Siyaasiyiinta Golaha Waqooyi ayaana ka qaybgalay furitaanka shirka.

Gudoomiyaha Madasha Badbaado Qaran, Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo geba-gabadii la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in kulamada madasha sii socon doonaan, inta dalka laga badaadinayo xaaladda uu marayo.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com