Toogasho dad lagu dilay oo ka dhacday Deegaanka Ceelasha Biyaha

Kooxo hubeysan ayaa galabta toogasho ka gaysatay Deegaanka Ceelasha Biyaha, oo ku yaala wadada xiriirisa Magaalada Muqdisho iyo Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Kooxahan ayaa dilay saddex qof oo midkood uu ahaa Gudoomiye Waaxeed ka tirsan Deegaanka Ceelasha Biyaha, kaasoo la sheegay in gaadmo lagu dilay.

Gudoomiye Kuxigeenka Dhinaca Amniga ee Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose, Cabdi Axmed Yuusuf ayaa weerarkaasi ku eedeeyay Ururka Al Shabaab.

Gudoomiye Kuxigeenka oo Warbaahinta la hadlay ayaa tilmaamay in hay’adaha ammaanka lagu amray inay gacanta ku soo dhigaan kooxihii dilkaasi gaystay.

Habacsanaan amni ayaa muddooyinkii ugu dambeysay laga dareemaayay Ceelasha Biyaha, maalmo ka hor ayayna ahayd markii sidaan oo kale dad loogu dilay.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com