Wasiirka Gaashaandhigga Talyaaniga oo Muqdisho yimid (SAWIRRO)

Wasiirka Gaashaandhigga Talyaaniga, Guerrini Lorenzo ayaa maanta booqasho rasmi ah ku yimid Magaalada Muqdisho.

Wasiir Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliya, Maxamed Xagaa, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga, Axmed Cabdi Kooshin ayaa Wasiirka Gaashaandhigga Talyaaniga ku soo dhaweeyay Garoonka Aadan Cadde.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka iyo Wasiirka Gaashaandhigga Talyaaniga ayaa salaan ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka.

Intaasi ka dib labada dhinac ayaa yeeshay kulan ay uga hadleen arrimo badan oo xiriirka labada dal uu ugu horeeyo, waxaana intii uu kulanka socday muuqaalka foggaan aragga ee Internet-ka uga qayb qaatay Wasiirka Gaashaandhigga Somaliya, Xasan Xuseen Xaaji oo hawlo shaqo dalka dibaddiisa ugu maqan.

Geba-gabadii kulanka ayaa waxaa Warbaahinta la hadlay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliya iyo Wasiirka Gaashaandhigga Talyaaniga.

Wasiiru Dowlaha waxaa uu sheegay in Talyaaniga uu qayb ka yahay dalalka Somaliya ka taageera dib u dhiska ciidamadeeda.

Guerrini Lorenzo ayaa dhankiisa sheegay in Somaliya ay ka muuqato rajo weyn oo dib u soo kabasho ah, isla-markaana uu Somaliya u yimid xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee labada dal.

Wasiir Xagaa ayaa ugu dambeen billad iyo shahaado sharaf guddoonsiiyay Wasiirka Gaashaandhigga Talyaaniga.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com