Cabdirashiid Janan iyo sida loogu soo dhaweeyay Beled Xaawo (SAWIRRO)

Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan), Wasiirkii Amniga Jubbaland ayaa maanta gaaray Degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo, ka dib markii heshiis uu la gaaray Dowladda Federaalka.

Xubno Wasiiro ah oo uu ka mid yahay Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta Somaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Alcadaala) ayaa Cabdirashiid Janan ku soo dhaweeyay duleedka Degmada Beled Xaawo.

Alcadaala ayaa sheegay in Dowladda Somaliya ay dadaal ku bixisay in Cabdirashiid Janan uu yimaado degmadaasi.

“Wasiir Cabdirashiid Janan oo muhiim u ah nabadda Gobolka Gedo ayaa heshiis la gaaray Dowladda Somaliya. Wuxuu ku yimid garasho uu Wasiirku gartay in uu u hiiliyo qarannimada iyo dadaal ay bixisay dowladdu.” Ayuu yiri Alcadaala.

Alcadaala ayaa intaa ku daray in Cabdirashiid Janan uu wato ciidan fara-badan iyo gaadiidka dagaalka, kuwaa oo sida uu sheegay lagu biirin doono ciidamada qaranka.

Alcadaala ayaa yiri “Talaabadan waa mid ka farxinaysa qof kasta oo jecel qarannimada Soomaaliyeed, waxayna ka nixinaysaa cid kasta oo caddow ku ah qarankeena.”

Cabdirashiid Janan ayaa dhankiisa sheegay in uu ku yimid heshiis is afgarad ah, oo uu la gaaray Dowladda Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com