Saddex askari oo lagu dilay Isgoyska Siinaay ee Magaalada Muqdisho

Kooxo bastoolado ku hubeysnaa ayaa saakay Magaalada Muqdisho ku dilay saddex askari, oo ka tirsanaa Ciidanka Booliska ee Gobolka Banaadir.

Kooxahan ayaa weeraray askarta, xilli ay ilaalo ka hayeen Isgoyska Siinaay, oo ka mid ah isgoysyada ay ciidamada amniga ka hawlgalaan.

Goobjooge ayaa sheegay inuu arkay meydadka laba askari iyo dhaawaca mid kale, inkastoo askarigaasi uu markii dambe dhaawacaasi u geeriyooday.

Wararka ayaa sheegaya in kooxihii weerarka gaystay ay horey u sii qaateen hubkii askarta, ka hor intii aanay goobtaasi ka baxsan.

Ciidamada ammaanka oo ku baxay goobtaasi ayaan gacanta ku soo dhigin kooxihii falkaasi ka dambeeyay.

Gelinkii dambe ee Talaadadii ayay ahayd markii saddex qof oo midkood uu Gudoomiye Waaxeed ahaa lagu dilay Deegaanka Ceelasha Biyaha.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com