Jubbaland oo ka hadashay goosashada Cabdirashiid Janan

Wasiirka Warfaafinta Jubbaland, Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed ayaa ka hadlay tallaabada uu Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan) ugu wareegay dhanka Dowladda Federaalka, isagoo dhanka kalena dowladda ku eedeeyay in weli fara-gelin ku hayso Gobolka Gedo.

Wasiirka ayaa sheegay in Cabdirashiid Janan uu ahaa Wasiir ka tirsan Maamulka Jubbaland oo muddo dheer soo shaqeeyay, go’aanka uu qaatayna aanu waxba ka bedeli doonin mowqifkii Jubbaland.

“Cabdirashidi wuxuu ahaa Wasiirkii hore ee Amniga, muddo dheer buuna Jubbaland u soo shaqaynayay, dowladdu iyadaa mar xirtay oo tiri waa dembiile, haddana iyadaa diyaarado, wasiiro iyo madax sare u soo dirsatay, isaguna go’aanka wuu qaatay, uguna wareegay, laakiin Jubbaland mowqifkeedu waa sidii.” Ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka ayaa tilmaamay in Cabdirashiid Janan xilkii laga qaaday, shaqadiina ay sideedii uun u socoto, ayna weli ciidamadooda ku sugan yihiin goobihii ay horey u jooggeen.

“Cabdirashiid xilkii waa laga wareejiyay, marka shaqadiina sideedii uun bay u sii soconeysaa, ciidamadana aaggii uun bay ku sugan yihiin. Nin Maamul Goboleed uun ka mid ahaa buu ahaa oo shaqadii ka tagay.” Ayuu yiri Wasiirku.

Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed, Wasiirka Warfaafinta Jubbaland ayaa Dowladda Federaalka ku eedeeyay in weli fara-gelin ku hayso Gobolka Gedo.

“Dowladda xilligeedu dhammaaday haddii iyadu ay hadda weli farteysi iyo kala xood xoodasho ku jirto waa dhibaato, xilli inteeda le’eg weeye, waqtigii lagu jiray iyo marxaladda wadanku uu marayo waa xaalad xun.” Ayuu yiri Wasiirku.

Wasiirka ayaa yiri “Ka Jubbaland ahaan dhaawac weyn naguma aha oo xaaladdu sideedii weeye, ciidamadii aaggii bay ku sugan yihiin, wax dhibaato ah maleh, haba yaraatee.”

Cabdirashiid Janan, Wasiirkii Amniga Jubbaland ayaa shalay tagay Degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo, ka dib markii uu heshiis la galay Dowladda Federaalka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com