Madaxda D/goboleedyada iyo Wakiilada Beesha Caalamka oo Muqdisho ku kulmaya

Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Wakiilada Beesha Caalamka ayaa maanta shir la xiriira arrimaha doorashooyinka ee dalka ku leh Magaalada Muqdisho.

Shirka ayaa lagu wadaa inay ka qaybgalaan Madaxweyne-yaasha Jubbaland, Koonfur Galbeed, Hirshabelle, Galmudug iyo Puntland.

Shirkan ayaa diiradda lagu saari doonnaa, sidii heshiis looga gaari lahaa qodobada ku xeeran shirka wadashiga qaran, oo ay ku kala aragti duwan yihiin Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada qaarkood.

Shirkan oo qaban-qaabadiisa ay Wakiilada Beesha Caalamka leeyihiin ayaa looga gol leeyahay in marka hore is afgarad laga gaaro wadahadalada, si shirka Xerada Afisyooni uu u miro dhalo.

Saaxiibada caalamka ee Somaliya ayaa juhdi ku bixinaya in laga gudbo caqabadaha ku horgudban hannaanka geedi-socodka ee doorashada.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com