Sarkaal Militari oo lagu dilay qarax ka dhacay Muqdisho (SAWIRRO)

Sarkaal ka tirsanaa Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ku dhintay qarax maanta gaari uu la socday lagula eegtay wadada cusub ee Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir.

Sarkaalkan oo watay gaari SURF ayaa waxaa haleelay qarax la sheegay in wadada dhinaceeda la dhigay.

Goobjooge ayaa sheegay in Sarkaalkaasi oo magaciisa lagu soo koobay Cali Bariis uu u geeriyooday dhaawac halis ahaa, oo qaraxaasi ka soo gaaray.

Ciidamada ammaanka oo gaaray goobtaasi ayaa ka qaaday dhaawacyada qaar ka mid ah ilaaladii la socotay Sarkaalkaasi.

Saraakiisha hay’adaha amniga ayaan ka hadlin qaraxan ugu dambeeyay ee maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxaasi, balse qaraxyada ceynkani oo kala ah ayaa waxaa inta badan sheegata Al Shabaab.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com