Madaxda Dowlad Goboleedyada oo xalay ku kulmay Magaalada Muqdisho

Madaxda Dowlad Goboleedyada Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed ayaa xalay Magaalada Muqdisho kula kulmay Madaxda Jubbaland iyo Puntland.

Shirka ayaa looga arrinsanayay ismar-waaga ka taagan doorashada muddadeeda dhaaftay, si looga gudbo caqabadaha ku xeeran, dalkuna uu doorasho u aado.

Wasiirka Warfaafinta Somaliya, Cismaan Abokar Dubbe ayaa sheegay in Madaxweyne-yaasha Koonfur Galbeed, Hirshabelle iyo Galmudug ay ergo ahaan uga socdeen dhanka Madaxweyne Farmaajo.

“Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ergo ahaan u diray Madaxweyneyaasha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye, Hirshabelle Cali Cabdullaahi Xuseen iyo Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed, si ay ula kulmaan Madaxda ka maqnaa shirka, ayna u la wadaagaan muhiimadda ay leedahay in ay gutaan doorkooda kaga aaddan qabsoomidda doorashooyinka.” Ayuu yiri Wasiirka.

Dhinacyada shirkaasi ka qaybgelay ayaan wax wara ka soo saarin, haddii ay jiraan waxyaabo lagu heshiiyay iyo haddii kalaba.

Beesha Caalamka ayaa Madaxda Soomaalida ku cadaadinaysa, sidii looga gudbi lahaa arrimaha dhexdooda ah ee dib u dhigay doorashadii dalka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com