Taliyaha Ciidanka Booliska oo la kulmay Kate Foster (SAWIRRO)

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa Khamiistii Magaalada Muqdisho kula kulmay Safiirka Ingiriiska ee dalka, Kate Foster.

Qoraal ka soo baxay Taliska Booliska ayaa lagu sheegay in kulanka looga hadlay amniga doorashooyinka dalka iyo taageerada ay Boqortooyada UK siiso Ciidanka Booliska.

“Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa kulan la qaatay Danjiraha Boqortooyada Ingiriiska ee Somaliya, marwo Kate Foster. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray amniga doorashooyinka heer federaal iyo taageerada UK ay la garab taagan tahay Ciidanka Booliska.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Warar madaxbannaan ayaa sheegaya in Kate Foster ay General Xijaar ugu baaqday inaanay xoogaga ammaanka la safan cid gaar ah.

Wararka ayaa intaa ku daraya in kulanka lagu soo hadalqaaday ciidamo cusub, oo habeenkii Axadda lagu arkay aagga Garoonka Cadde, taasoo uu walaac ka muujiyay Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, inkastoo General Xijaar uu horey u beeniyay in dheeraad ahi la keenay garoonkaasi.

General Xijaar ayaa si dhow loola xiriiriyaa Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com