Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa shan iyo toban Xildhibaan ka ganaaxay shan kulan oo kulamada Golaha Shacabka ah.
Xildhibaanadan ayaa lagu eedeeyay inay is hortaag ku sameeyeen kulankii maanta, ee ay Xildhibaanada Golaha Shacabka ku lahaayen Xaruntooda Magaalada Muqdisho.

Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil oo ka mid ah Xildhibaanada la ganaaxay ayaa mar sii horeysay sheegay in Guddoonka Golaha Shacabka uu damacsanaa ajande aan ahayn kan la iclaamiyay, oo ahaa in kulanka looga hadlayo xanuunka COVID-19.
Wareegto ka soo baxday Xafiiska Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa lagu shaaciyay ganaaxa Xildhibaanada.
Akhriso magacyada Xildhibaanada la ganaaxay:–


Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com