Madaxweyne Lafta-gareen oo la kulmay Safiirka Ingiriiska (SAWIRRO)

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa gelinkii dambe ee maanta la kulmay Danjiraha Ingiriiska ee Somaliya, Kate Foster.

Labada dhinac ayaa ka wadahadlay xaaladda guud ee dalka, midda doorashada, amniga iyo arrimo kale, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Koonfur Galbeed.

Qoraalka ayaa lagu yiri “Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xassan Maxamed Lafta-gareen ayaa la kulmay Safiirka cusub ee Boqortooyada Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya Marwo Kate Foster. Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ayaa ugu horeen soo dhaweeyay Safiiradda, wuxuuna kala hadlay sidii loo laba jibaari lahaa shaqooyinka ay ka haayaan Deegaanada Koonfur Galbeed iyo sidoo kale xaalada guud ee Somaliya ee xiligan ka jirta, sida doorashooyinka iyo amniga.”

“Safiirka cusub ee Boqortooyada Ingiriiska u qaabilsan Somaliya ayaa sheegtay inay sii laba jibaari doonaan taageerada Koonfur Galbeed ee dhinaca ciidamada.”

Kate Foster ayaa qayb ka ah dadaalada ay diblomaasiyiinta shisheeye xalka ugu raadinayaan, sidii dalka doorasho loo dhan yahay uga qaybsoomi laheyd.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com