Xaaladihii ugu dambeeyay xanuunka COVID-19 ee dalka laga diiwaangeliyay

Wasaaradda Caafimaadka Somaliya ayaa ka warbixisay xaaladihii ugu dambeeyay xanuunsidaha COVID-19 ee dalka laga diiwaangeliyay 48-kii saac ee la soo dhaafay.

Warbixinta Wasaaradda Caafimaadka ayaa lagu sheegay in dalka laga diiwaangeliyay 174 kiis, ka dib markii laga baaray 1486 qof.

65 kiis ayaa laga diiwaangeliyay Somaliland, 31 kiis Galmudug, 27 Jubbaland, 16 kiis Puntland, Banaadir 14 kiis, Koonfur Galbeed 11 kiis iyo Hirshabelle oo 10 xaaladood laga diiwaangeliyay.

Dadka xanuunka laga helay 106 ka mid ah waa rag, halka 68 kalena ay haween yihiin, waxaana xanuunka ka bogsaday 44 qof.

Dhanka kale dalka ayaa laga diiwaangeliyay 17 xaaladood oo dhimasho ah, waxaana laga kala diiwaangeliyay Jubbaland 8, Banaadir 5, Somaliland 3 iyo Puntland oo 1 kiis oo dhimasho ah laga diiwaangeliyay.

Tirada guud xaaladaha xanuunka ee dalka laga diiwaangeliyay ayaa gaartay 10,838 xaaladood, iyadoo tirada guud ee ka bogsatay ay tahay 4,678 qof, waxaana xanuunka dalka ugu geeriyooday 488 qof.

Billihii February iyo March ayaa waxaa xanuunka dalka ugu geeriyooday in ka badan 300 oo qof, waxaana la rumeysan yahay in tirada ay intaasi aad uga badan tahay, bacdamaa ay jiraan dad badan oo calaamadaha xanuunka u geeriyooday, kuwaa oo aanay jirin cid diiwaangelisay.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com