Golaha Shacabka oo berrito yeelan doono kulan looga hadlayo laba arrimood

Sida lagu shaaciyay qoraal ka soo baxay guddoonka golaha shacabka berri oo isniin ah waxaa jiri doona kulan Xildhibaanada ku yeelan doonaan Xaruntooda Magaalada Muqdisho.

Ajandeyaasha kulanka ayaa kala ah; safmarka coronavirus iyo u codeynta labo xubnood oo buuxin doono boosas ka bannaan Guddiga Madaxabannaan ee Xuduudaha Dalka.

Kulanka ayaa imaanaya iyadoo xalay Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan uu soo saaray liis Xildhibaano oo 15 ka kooban, kuwaa oo laga mamnuucay shanta kulan ee soo socda.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com