Kulankii Xildhibaanada Golaha Shacabka ee berrito oo dib loo dhigay

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa iclaamiyay in dib loo dhigay kulankii berrito ay Xildhibaanada Golaha Shacabka ku lahaayeen Xarunta Villa Hargeisa ee Magaalada Muqdisho.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa lagu wargeliyay in kulanka Golaha Shacabka dib loo dhigay maalinta Arbacada ee ina soo aaddan.

Farriin qoraaleed Xildhibaanada loogu diray teleefanadooda gacanta ayaa lagu ogeysiiyay in dib loo dhigay kulankaasi.

Sidoo kale qoraal lagu daabacay barta Golaha Shacabka ee Facebook ayaa lagu yiri “Mudane Xildhibaan Shirkii berri oo Isniin ah loo ballansanaa waxaa dib loogu dhigay maalinta Arbacada oo tariikhdu tahay 31 March.”

Guddoonka Golaha Shacabka ayaan faah faahin sababta dib loogu dhigay kulankaasi, waxaase la fahamsan yahay in Madaxda Dowlad Goboleedyada qaarkood ay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ku cadaadiyeen in la baajiyo kulankaasi.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmai.com