Maamulka Cadaado oo la wareegay gaari Dab Demis (SAWIRRO)

Maamulka Degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa maanta lagu wareejiyay gaari Dab Demis ah, si looga qayb qaato ka hortagga khataraha ka dhalan kara dabka.

Dadka deegaanka ayaa iska uruuriyay dhaqaalaha lagu soo iibiyay gaarigaasi, ka dib markii ay garowsadeen in baahi badani loo qabo.

Reer Cadaado ayaa baahi weyn u qabay adeegga gurmadka deg-degga ee Dab Demiska, bacdamaa aanu magaaladaasi horey uga jirin adeegaasi.

Gudiga Horumarinta ee Degmada Cadaado ayaa Maamulka Degmada ku wareejiyay gaarigaasi, oo sida ay sheegeen lagu iibiyay isku-tashi ay sameeyeen bulshada deegaanka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com