Mahad Salaad “Wixii na soo gaara waxaa ka masuul ah Gudoomiye Mursal”

15-kii Xildhibaan ee laga joojiyay shanta kulan ee soo socda ee kulamada Golaha Shacabka ayaa gelinkii dambe ee maanta isla qaatay mowqif mideysan, ka dib markii shir jaraa’id ay ku qabteen Hotel Jazeera.

Xildhibaanadan ayaa marka hore sheegay inaanan sharciyad loo adeegsan tallaabada uu Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan kaga ganaaxay kulamada Golaha Shacabka.

Xildhibaanadu waxay Gudoomiye Mursal ku eedeeyeen inuu meel uga dhacay xeer hoosaadka Golaha Shacabka, uuna ku xadgudbay qodobo ku jira, isla-markaana uu ku tuntay qodobka Xarunta Golaha Shacabka ka mamnuucaya in hub lala soo galo.

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa sheegay in Gudoomiye Mursal uu Guddi Xildhibaano ah u sheegay in Ciidankii Dharcad ee shalay lagu arkay Golaha Shacabka uu isagu dalbaday, iminkana uu doonayo ciidan kaloo dheeraad ah.

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa bidhaamiyay inay soo gaartay farriintii maanta loo diray Xildhibaanada Golaha Shacabka, ee ku aaddaneyd kulanka berrito.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in berrito ay ka qaybgeli doonaan kulanka Golaha Shacabka, wixii soo gaarana uu masuuliyadeeda qaadi doono Gudoomiye Mursal.

“Warqadda sharci-darrada ee magacyadeena lagu qoray ee Mursal askarta u dhiibay, dhiigeynana lagu baneysanayay wixii nagu soo gaara masuuliyadeeda si shakhsi ah waxaa u qaadaya Gudoomiye Maxamed Mursal.” Ayuu yiri Xildhibaanka.

Mahad Salaad ayaa yiri “Mursal waxaan leenahay shuruucda dalka wax jeebkaaga geli kara waa ka weyn tahay ee dastuurka iyo xeer hoosaadka Golaha Shacabka, mudane u hoggaansan.”

Xildhibaanadan ayaa lagu ganaaxay wareegto xalay ka soo baxday Xafiiska Gudoomiyaha Golaha Shacabka, waxayna ka dambeysay markii lagu eedeeyay inay is hortaag ku sameeyeen kulankii shalay ee Golaha Shacabka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com