Sarkaal ka tirsanaa Shabaab oo hawlgal gaar ah lagu dilay

Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka ayaa hawlgal qorsheysan ka sameeyay tuulo hoostagta deegaanka Janaale ee Gobolka Shabellaha Hoose, halkaas oo ay ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyaad ka tirsan Al Shabaab.

Ciidanka ayaa ku dhaqaaqay tuulada Buulo Xaaji, ka dib markii ay ka war heleen maleeshiyaad ka tirsan Al Shabaab oo halkaas isku uruursanaya.

Xoogaga Danab ayaa hawlgalka ku qaarajiyay Madaxii Qaraxyada Al Shabaab, Ismaaciil Jiis iyo 10 maleeshiyaad oo kale, sida ay baahisay Idaacadda Codka Ciidamada.

Gobolka Shabellaha Hoose waxaa laga fuliyaa hawlgalada ugu badan ee ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab, waana xilli gobolkaasi ay Shabaabku ka gaystaan weeraradooda ugu badan.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com