Wararkii ugu dambeeyay xaaladaha COVID-19 ee dalka

Wasaaradda Caafimaadka Somaliya ayaa caawa ka warbixisay xaaladihii ugu dambeeyay xanuunka COVID-19 ee dalka laga diiwaangeliyay, afar iyo labaatankii saac ee ugu dambeysay.

Warbixinta Wasaaradda Caafimaadka ayaa lagu sheegay in xanuunka laga baaray 1,220 qof, lagana helay 139 qof, dalka oo dhan.

56 kiis ayaa laga diiwangeliyay Puntland, Somaliland 38 kiis, Hirshabelle 26 kiis, Jubbaland 11 kiis, Banaadir 5 kiis iyo Galmudug oo 3 kiis laga diiwaangeliyay.

Dadka xanuunka laga helay 83 ka mid ah waxaa weeye rag, iyadoo 56 kalena ay haween yihiin, waxaana xanuunka ka bogsaday 41 qof.

Dhanka kale dalka ayaa laga diiwaangeliyay 8 xaaladood oo dhimasho ah, waxaana laga kala diiwaangeliyay Somaliland 4, Puntland 2 iyo Gobolka Banaadir oo 2 kiis oo dhimasho ah laga diiwaangeliyay.

Wadarta guud xaaladaha xanuunka ee dalka laga diiwaangeliyay ayaa ah 10,977 xaaladood, iyadoo tirada guud ee ka bogsatay ay tahay 4,719 qof, waxaana xanuunka dalka ugu geeriyooday 496 qof.

Mowjadda 2aad COVID-19 ee dalka ayaa ka faafid og middii 2020, marka aad eegto tirada faraha badan ee sida maalinlaha uu xanuunka u soo ridanayo iyo weliba kororka muuqdo ee dadka u geeriyoonaya xanuunkaasi.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com