Galmudug oo maxkamadeysay kalluumeysato ajaaniib ah (SAWIRRO)

Maxkamadda Gobolka Mudug ee Galmudug ayaa maanta xukuntay kalluumeysato u dhashay dalka Yemen, kuwaa oo lagu soo eedeeyay in si sharci-darro ahi kaga kalluumeysanayeen biyaha xeebaha u dhaxeeya Degmooyinka Hobyo iyo Xarardheere ee Gobolka Mudug.

Kalluumeysatadaan ayaa ka kooban 39 qof, inkastoo 8 ka mida ay carruur yihiin, sida ay maxkamaddu ku dhawaaqday.

Maxkamadda ayaa 31-kii nin ee kale ku xukuntay min toddobo boqol oo dollar ($700), sidoo kalena waxaa lagala wareegay doonidii iyo qalabkii kale ee ay wateen.

Ciidamada Ilaalada Xeebaha ee Galmudug ayaa saddex cisho ka hor gacanta ku soo dhigay kalluumeysatadaan, ka dib markii ay sameeyeen hawlgal sheegay inay ku daba jooggeen.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com