Hay’adda INL oo gaadiid ku wareejisay Koonfur Galbeed (SAWIRRO)

Hay’adda Mukhaabaraadka Caalamiga & Dhaqangelinta Sharciga (INL) ayaa maanta saddex gaari ku wareejisay Maamulka Koonfur Galbeed, waxaana loogu talagalay in Ciidamada Booliska kaga qayb qaataan hawlaha suggida ee Deegaanada Koonfur Galbeed.

Jim Strickland oo ah Lataliyaha Hay’adda INL qaybteeda Somaliya ayaa gaadiidkaasi ku wareejiyay Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed, Isaaq Cali Subag.

Wasiirka Amniga ayaa Hay’adda INL kaga mahadceliyay taageerada ay la garab taagan yahay Maamulka Koonfur Galbeed iyo doorkeeda ku aaddan ka qayb qaadashada tababarada iyo tayeynta ee ciidamadooda amniga.

Taliyaha Ciidanka Booliska Koonfur Galbeed, Korneyl Cabdi Ibraahim Shaamow (Cabdi Dheere) , Taliyaha Ciidanka Booliska Qaybta Gobolka Baay, Korneyl Amiin Maxamed Daruur, Taliyaha Booliska Baydhabo, Korneyl Mukhtaar Dugudow iyo Agaasimaha Waaxda Dhaqangelinta ee Wasaaradda Amniga Koonfur Galbeed, Ilyaas Cali Nuur ayaa goobjoog ka ahaa goobta uu gaadiidka kula wareegay Wasiirka Amniga.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com