Macluumaad: Shirkii Dowlad Goboleedyada iyo Wakiilada Caalamka (SAWIRRO)

Madaxda Dowlad Goboleedyada ayaa maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay Wakiilada Beesha Caalamka, iyadoona shirka looga hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka.

Shirka ayaa waxaa ka qaybgalay Madaxweyne-yaasha Puntland, Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, halka dhanka caalamkana ay ka qaybgaleen Wakiilka Qaramada Midoobey ee Somaliya, Wakiilka Midowga Afrika, Wakiilka Midowga Yurub, Safiirada Mareykanka iyo Ingiriiska.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray doorashada muddo dhaaftay iyo ajandaha shirka la filayo inay isugu yimaadaan Madaxda Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa Madaxda Dowlad Goboleedyada ku booriyay inay sii wadaan kulamada xalka loogu raadinayo arrimaha doorashooyinka ee dalka, marka uu u soo geba-gaboobana ay ka wada qaybgalaan shirka wadatashiga qaran, si dalka uu doorasho u aado.

Afhayeenka Madaxtooyada Puntland, Jaamac Yuusuf Jaamac (Deberani) oo goor dambe Warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa yiri “Shirka waxaa looga hadlay xaaladda guud ee dalku marayo, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka, sidii xal loogu heli lahaa caqabadaha hortaagan inay doorashadu qabsoomto iyo in shir guud oo loo dhameystiran yahay leeskugu yimaado.”

Afhayeenka ayaa tilmaamay in Madaxda Dowlad Goboleedyada sii wadi doonaan kulamada, illaa laga gaaro buu yiri natiijo wanaagsan.

“Kulamada Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Somaliya way sii socon doonaan, illaa laga gaaro natiijo wanaagsan, iyadoo marka ay shirarka soo dhammaadaana la filaayo inay warbixin buuxda ka soo saaraan.” Ayuu yiri Jaamac Deberani.

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) oo shir guddoominaya kulamada Madaxda Dowlad Goboleedyada ayaa xal loogu raadinaya doodaha ka dhashay heshiiskii 17-kii September, oo qeexayay qaabka doorasho ee dalka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com