Ciidanka Xoogga Dalka ayaa hawlgal amni xaqiijin ka sameeyay wadada dheer ee xiriirisa Magaalada Baydhabo iyo Deegaanka Deynuunaay ee Gobolka Baay.
Deynuunaay oo 26km u jirta Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ku soo noqnoqday weerarada ay ka gaysanayaan maleeshiyada Ururka Al Shabaab.
Ciidanka Xoogga Dalka ayaan wax iska caabin ah kala kulmin maleeshiyada Al Shabaab, intii ay hawlgalka wadeen, iyagoona si nabdoon ku gaaray Deynuunaay.
Taliyaha Guutada 8aad ee Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Gaashaanle Maxamed Nuur Maxamed (Mad Dheere) oo hawlgalka hoggaaminayay ayaa geba-gabadii hawlgalkaasi sheegay in ujeedka hawlgalka uu ahaa in laga hortaggo Shabaabka caadeysay daadinta dhiigga shacabka.
Taliyaha oo Warbaahinta kula hadlay Deynuunaay waxaa uu ku hanjabay inay taggi doonaan goob kastaa, oo maleeshiyada Al Shabaab ku dhuumaaleysanayaan, sida uu yiri.
Shabaabka hubeysan ee dalka ka dagaalama ayaa dagaal kula jira Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika.
Shabaabka oo lagu tilmaamo dhaqdhaqaaqa ugu weyn ee Geeska Afrika ka hawlgala ayaa ka biyo diidan jiritaanka Dowladda Federaalka iyo joogitaanka dalka ee Xoogaga AMISOM.























Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com