Axmed Madoobe & Deni oo la kulmay Wakiilada Beesha Caalamka (SAWIRRO)

Madaxweyne-yaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa Garoonka Aadan Cadde kula kulmay Wakiilada Beesha Caalamka qaarkood, kuwaa oo ay ka wadahadleen arrimaha doorashooyinka ee dalka.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray, sida ugu haboon ee uu ku qabsoomi karo shirka wadatashiga qaran, kaasoo la hadalhayo in ajandihiisa lagu kala aragti duwan yahay.

Qoraal goor dhow ka soo baxay Madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu yiri “Madaxweynaha Dowladda Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, oo uu wehlinayo Madaxweynaha Puntland, Mudane Siciid Cabdullahi Deni ayaa kulan la qaatay Wakiilada Beesha Caalamka u qaabilsan Somaliya. Kulanka ayaa lagaga hadlay qaabka ugu haboon ee uu ku qabsoomi karo shirweynaha arimaha doorashada iyo sidii xal looga gaari lahaa kala aragti duwanaanshaha ka jira qaabka uu shirku ku qabsoomayo.”

“Labada Madaxweyne ayaa Beesha Caalamka la wadaagay aragtidooda la xiriirta qabsoomidda shirka.”

Wakiilka Qaramada Midoobey ee Somaliya, Wakiilka Midowga Afrika, Wakiilka Midowga Yurub, Safiirada Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa goobjoog ka ahaa kulanka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com