Lafta-gareen oo booqasho ugu tagay Shariif Sheekh Axmed (SAWIRRO)

Shariif Sheekh Axmed, Gudoomiyaha Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa caawa hoyga uu ka degan yahay Magaalada Muqdisho ku qaabilay Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen).

Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynihii hore ee Somaliya ayaa sheegay in Madaxweynaha Koonfur Galbeed ka wadahadleen xaaladda siyaasadeed ee cakiran ee dalka ka taagan.

Sidoo kale waxaa uu sheegay inay isla soo qaadeen, sidii dalka lagu gaarsiin lahaa doorasho heshiis lagu yahay, jewi nabdoona ku dhacda.

“Waxaa caawa booqasho noogu yimid Cabdicasiis Lafta-gareen, Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Somaliya iyo xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada, iyada oo aan ka wadahadalnay xaaladda cakiran ee dalka iyo sida lagu gaari karo doorasho heshiis lagu yahay, kuna dhacda jewi nabdoon oo lagu wada kalsoon yahay.” Ayuu yiri Shariifkan oo warkan ku sheegay bartiisa Facebook.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com