Madasha Badbaado Qaran oo ka hortimid muddo kordhin oo dhan

Madasha Badbaado Qaran ayaa si adag uga hortimid in muddo kordhin loo sameeyo Baarlamaanka iyo Madaxtooyada, ee muddo xileedkoodu dhammaaday.

Madasha Badbaado Qaran ayaa Warsaxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in muddo xileedka Baarlamaanka uu ku ekaa 28-kii bishii December, halka muddo xileedka Madaxweynuhuna ku ekaa 8-dii February.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay muddo kororsiga inuu yahay mid dhidhibada loogu aasayo keli-talisnimo, laguna carqaladeynayo dadaalada lagu doonayo in dalka uu doorasho aado.

Madasha Badbaado Qaran ayaa ku goodisay inaanay gacmaha ka laaban doonin muddo kororsiga ay sheegtay in lagu carqaladeynayo doorashooyinka dalka, laguna qalqalgelinayo xasiloonida, dimoqraadiyadda iyo weliba horumarka dalka.

Dhanka kale Madashu waxay cambaareysay tallaabadii Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan uu 15-ka Xildhibaan kaga ganaaxay shanta kulan ee kulamada Golaha Shacabka.

Xilli berrito ay Xildhibaanada Golaha Shacabka kulan ku leeyihiin Xarunta Villa Hargeisa ee Magaalada Muqdisho ayay Madashu sheegtay in wixii dhibaato ee Xildhibaanadaasi soo gaara uu masuuliyadeeda qaadi doono Gudoomiye Mursal, oo isagu lagu eedeeyay inuu magacyada Xildhibaanada dhigay barraha kontoroolada ee ciidamada ammaanka.

Madasha Badbaado Qaran waxaa ku mideysan Maamulada Jubbaland, Puntland, Midowga Musharixiinta iyo Golaha Siyaasiyiinta ee Somaliland.

Akhriso Warsaxaafadeedka Madasha Badbaado Qaran

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com