Madaxweynaha Masar oo u hanjabay Itoobiya “Ma jirto cid aan u goodinayo”

Madaxweynaha Masar, Abdel Fattah el-Sisi ayaa ka digay cawaaqib xumo daran oo ka dhalan karta, waa haddii biyo xireenka ay Itoobiya ka dhiseyso Webiga Nile uu saamayn ku yeesho biyaha gaara dalkiisa.

“Waxaan markale ku celinayaa inuusan jirin qof qaadan kara dibic kamid ah biyaha Masar, haddii ay dhacdana waxaa gobolka ka dhici doonaa xasilooni darro aanan la maleysan karin.” Ayuu yiri Madaxweynaha Masar.

Abdel Fattah el-Sisi, Madaxweynaha Masar oo maanta ka hadlayay Marinka Suez wuxuu carabka ku adkeeyay in lasii wadi doono wadahadalada kala dhaxeeya Itoobiya iyo Suudaan ee ku saabsan muranka ka dhashay biyo xireenka Itoobiya.

“Ma jirto cid aan u goodinayo, wadahadaladeena waa kuwo markasta macquul ah.” Ayuu yiri Madaxweyne el-Sisi.”

Xukuumadda Addis Ababa ayaa marar badan ku celcelisay inay sii wadi doonto buuxinta biyo xireenkeeda, ay sheegtay inay korontada u adeegsaneyso.

Addis Ababa ayaase dhawaan sheegtay inay sii wadeyso buuxina biyo xireenka, marka ay roobabku bilowdaan.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com