Xaaladihii ugu dambeeyay xanuunka COVID-19 ee dalka

Wasaaradda Caafimaadka Somaliya ayaa ka warbixisay xaaladihii ugu dambeeyay xanuunka COVID-19 ee dalka laga diiwaangeliyay, afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegtay in xanuunka laga helay 128 qof, ka dib markii laga baaray 1072 qof, guud ahaan dalka.

41 ka mida ah kiisaska ayaa laga diiwaangeliyay Somaliland, Puntland 32 kiis, Jubbaland 24 kiis, Hirshabelle 18 kiis iyo Gobolka Banaadir oo 8 kiis laga diiwaangeliyay.

Dadka xanuunka laga helay 68 qof waa rag, halka 60 kalena ay haween yihiin, waxaana xanuunka ka bogsaday 36 qof.

Dalka ayaa laga diiwaangeliyay 12 xaaladood oo dhimasho ah, waxaana laga kala diiwaangeliyay Somaliland iyo Gobolka Banaadir.

Sida ku cad Warbixinta maalinlaha ee Wasaaradda Caafimaadka 8 qof ayaa afar iyo labaatankii saac ee ugu dambeysay xanuunka ugu geeriyootay deegaanada Somaliland, waana mid muujinayso kororka dadka u geeriyoonaya xanuunkaasi.

Wadarta guud xaaladaha xanuunka ee dalka laga diiwaangeliyay ayaa ah 11,292 xaaladood, iyadoo tirada guud ee ka bogsatay ay tahay 4,795 qof, waxaana xanuunka dalka ugu geeriyooday 521 qof.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com