Buuqa Golaha Shacabka iyo doorashada sadkeeda dhaaftay

Iyadoo markii hore xaaladda siyaasadeed ee dalka ay ahayd mid cakiran ayaa waxaa haddana maalmihii ugu dambeysay uu buuq ka soo kordhay Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Buuqa ayaa soo bilowday maalintii Sabtida, ka dib markii Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka lagu eedeeyay in is hortaag ku sameeyeen kulan ay Xildhibaanadu ku lahaayen Xaruntooda Magaalada Muqdisho, oo looga hadli lahaa sida Guddoonka Golaha Shacabka uu sheegay xaaladda COVID-19 ee dalka iyo weliba u codeynta laba xubnood oo ka bannaan Guddiga Madaxabannaan ee Xuduudaha Dalka.

Wasiirka Caafimaadka Somaliya, Foosiya Abiikar Nuur oo maanta hortagtay Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa uga warbixisay xaaladda COVID-19 ee dalka.

Sidoo kale Xildhibanaada Golaha Shacabka ayaa ansixiyay in Axmed Saylac Muuse iyo Maxamed Cismaan Cabdullaahi Xamza ka mid noqdaan Guddiga Madaxabannaan ee Xuduudaha Dalka.

Intii uu kulanka socday ayaa ciidan fara-badan la soo dhigay wadooyinka, iyadoona uu ujeedku ahaa inaanay kulankaasi ka soo qaybgelin 15-kii Xildhibaan ee laga ganaaxay shanta kulan ee kulamada Golaha Shacabka.

Xildhibaanadan ayaa waxay sheegeen in laga hor istaagay ka qaybgalka kulankii maanta, xilli sida ay sheegeen looga joojiyay sifo aan sharci ahayn.

Dadka wax ku qora barraha bulshada iyo bulshada qaybaheeda kala duwan ayaa aad u hadalhaya xaaladda ka soo korortay Golaha Shacabka, tiiyoo ay siyaabooyin kala duwan u fasirteen.

Bulshada qaybteed ayaa ku doodeysa in siyaasiyiinta Soomaalida ay haadaan ka tuurayaan dalka, haddii maalin walba uu ka soo yeerayo dhawaq aan dhegaha shacabka ku habooneyn.

Arrintan ayaa imaanaysa, xilli Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada aanay weli xal kama dambeys ah ka gaarin doorashada sadkeeda dhaaftay.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com