Maamulada Puntland iyo Jubbaland oo soo saaray Bayaan wadajir ah

Maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa soo saaray Bayaan ay kaga hadlayaan in Madaxda Dowladda Federaalka xagal daacinayaan dadaalada socda, ee lagu doonayo qabsoomidda shirka wadatashiga qaran ee looga hadlayo arrimaha doorashooyinka ee dalka.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in Madaxda Labada Maamul ay muddo saddex toddobaad ahi ku sugan yihiin Magaalada Muqdisho, iyagoo markaasi ka jawaabaya dalabkii Beesha Caalamka ee ahaa in shir wadatashi leeskugu yimaado, si loo dhameystiro heshiiskii 17-ka September ee ku qotomay qaabka doorasho ee dalka.

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay muddadaasi saddexda toddobaad ah inaanay Madaxda Dowladda Federaalka la kulmin Madaxda Jubbaland iyo Puntland, si looga arrinsado sidii uu ku qabsoomi lahaa shirka loo ballansan yahay.

Akhriso Bayaanka:-

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com