Qoorqoor, Lafta-gareen iyo Guudlaawe oo ka arrinsaday qodob xasaasi ah

Madaxda Dowlad Goboleedyada ee taabacsan Dowladda Federaalka ayaa kulan gaar ahi ku yeeshay Magaalada Muqdisho, xilli ismari-waa uu ka taagan yahay ajandaha shirka wadatashiga qaran.

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa maanta kulan hoyga uu ka degan yahay Magaalada Muqdisho ugu yeeray Madaxda Dowlad Goboleedyada Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen).

Wararka ayaa sheegaya in kulanka si dhow looga hadlay arrimaha doorashooyinka ee dalka, gaar ahaan Jubbaland iyo Puntland oo doonaya inaanan shirka wadatashiga qaran laga soo qaybgelin Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, haddii muddo xileedkiisu dhammaaday, walow ay Villa Somalia ka biyo diidan tahay in Madaxweynaha uu dibadbad joog ka ahaado shirkaasi.

Madaxweyne Qoorqoor oo garowsan in labada dhinac ay ku kala fog yihiin qaabka loo wajahayo shirka lagu soo afjarayo khilaafka doorashooyinka ayaa haddana dadaal ugu jira, sidii ay meel dhexe isugu imaan lahaayen, isagoo markaasi la kaashanaya Madaxda Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Koonfur Galbeed, Maxamed Cali Ibraahim (Bandhabow) oo kulankaasi ka warbixiyay ayaa sheegay in Madaxda ka arrinsadeen, sidii looga gudbi lahaa caqabadaha horgudban doorashooyinka dalka.

Tani ayaa ku soo aadaysa, xilli Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada qaarkood lagu eedeeyay inaanay wax tanaasul ahi ka muujineyn qabsoomidda shirka looga hadlayo doorashada.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com