Taliyihii Booliska Galmudug oo la dhaawacay

Taliyaha Ciidanka Booliska Galmudug, G/sare Khaliif Cabdulle Maalin ayaa galabta lagu dhaawacay Degmada Balanballe ee Gobolka Galgaduud.

Taliyaha ayaa waxaa toorey ku dhaawacay nin hore ciidanka looga eryay, kaasoo sida la sheegay la dooday Taliyaha, ka hor intii aanu tooreyda ku dhaawacin.

Dhaawaca Taliyaha ayaa loo qaaday Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug, halkaasoo xaaladiisa lagula tacaalayo.

Ciidamada oo gacanta ku dhigay ninkii dhaawaca u gaystay Taliyaha ayaa iminka ku xiran Saldhigga Booliska ee Degmada Balanballe.

Khaliif Cabdulle ayaa xilka loo magacaabay bishii December ee sanadkii 2020, ka dib wareegto ka soo baxday Xafiiska Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar).

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com