Xaaladda Somaliya oo murugsan (Ijiid aan ku jiido)

Madaxda Soomaalida ayaa muddo dheer isku fahmi la’ hannaanka doorashada waqtigeeda ka dib dhacday, xilli beesha caalamkuna ay dadaal ugu jirto sidii dhinacyada kala aragtida duwan la isugu soo dhaweyn lahaa.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa magaalada Muqdisho ku wada sugan dhammaan madaxda maamul goboleedyada iyo federaalka, inkastoo aan lagu guuleysanin in shirkii la filayay ay dhammaantood ka wada qaybgalaan.

Illaa hadda Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo dhiggiisa Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaan ku biirin shirka ay ku wada sugnaayeen madaxda saddexda maamul ee kale iyo dowladda dhexe.

Marar badan ayay dowladda federaalku madaxda labada maamul ee shirka ka maqan ugu baaqday inay kusoo biiraan. War saxaafadeedkii ugu dambeeyayna waxay madaxtooyada Soomaaliya ku sheegtay in Deni iyo Axmed Madoobe looga codsanayo inay ka qeyb galaan shir weyne dhawaan looga hadli doono xaaladda doorashada.

Hase ahaatee, war saxaafadeed wadajir ah oo Puntland iyo Jubbaland ay maanta soo saareen ayay ku sheegeen in mas’uuliyiinta dowladda dhexe “ay xagal daacinayaan” shirkii loo ballan sanaa inuu ka qabsoomo magaalada Muqdisho.

Diblomaasiyiinta Beesha Caalamka, oo in muddo ahba xal u raadinayay xaaladda ismari waaga ah ee doorashada Soomaaliya ayaa dhowr isbuuc ka hor ku qanciyay madaxda Jubaland iyo Puntland in ay tagaan Muqdisho, walow ay ku guul darreysteen in ay ka dhaadhiciyaan ka qeyb galidda shirka loo fadhiyay.

Beesha Caalamku ma khasbi kartaa madaxda Soomaalida?

Prof. Ibraahim Faarax Bursaliid, oo ah khabiir falanqeeya arrimaha siyaasadda Soomaaliya, ayaa BBC-da u sharraxay dhowr sababood oo uu fikir ahaan qabo in beesha Caalamku aysan cadaadis xad dhaaf ah ku saari karin siyaasiyiinta khilaafku u dhaxeeyo.

Ugu horreyn wuxuu Prof Bursaliid qeexay in hadda laga soo gudbay xilligii Beesha Caalamku ay hoggaanka u heysay masiirka Soomaalida.

“Beesha Caalamka ee la sheegayo waxay noqon karaan waddamo ay Soomaaliya u wada hadli karaan dal ka dal ama waa urur goboleedyo heer gobol ama heer qaaradeed ah ama waa ururro caalami ah sida Qaramada Midoobay iyo wixii la mid ah, marnaba Soomaalidu kuma khasbana Jamhuuriyad ahaan iyo ka dowlad ahaanba in xaanshi loo soo qoray ay ku dhaqanto ama ay raacdo.”

“Waxaad mooddaa in lasoo dhaafay xilligii xukuumadda Soomaaliya ay ku jirtay ku meel gaarnimada oo laga caawinayay dal dhiska, nabadeynta iyo dib u mideyntiiba. Tan iyo doorashadii 2012-kii waxaad mooddaa in laga baxay ku meel gaarnimadii, sidaas darteedna ay tahay in la xurmeeyo gobanimada iyo madax bannaanida siyaasadeed ee Jamhuuriyadda,” ayuu yidhi Prof. Bursaliid.

Waddada kale ee u furan beesha Caalamka ayuu Prof Ibraahim Bursaliid ku sheegay mid qallafsanaan ku imaan karta.

“Dal walba wuxuu ku sabsan yahay inuu Soomaalida ku xurmeeyo go’aannadooda masiiriga ah, sida uu Shiinuhuba caddeeyay. Laakiin haddiiba ay noqoto in talooyin gurracan la siiyo waa in loo qariyo oo si hoose oo saaxiibtinnimo leh loogu sheego ama si hanjabaad ah loogu sheego, haddiiba uu jiro dal tun buuran sida Mareykanka, Ingiriiska iyo Turkiga.”

‘Sababta aysan Beesha Caalamku waxba u qaban karin’

“Sabab ugu muhiimsan ee aysan Beesha Caalamku aanay dhinacyada isugu soo dhaweyn karin, wax weynna aysan u qaban karin waa inaanay dooneynin in danihii ay dalka ka lahaayeen xukuumadda markaas jirta ay wax kaga waayaan ama maamul laga yaabo barito in laftigiisa uu muhiimad gaar ah yeesho ay diidayaan inay aad u cadaadiyaan,” ayuu yidhi Prof. Bursaliid oo la hadlayay BBC-da.

Doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo waqtigoodu ahaa 8-dii bishii February ayaa ilaa hadda u xayiran inay qabsoonto doorashada ka horreysa ee baarlamaanka.

Mudada xilheynta madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo afar sano ahayd ayaa ku ekeyd 8dii February. Mucaaradku waxay sheegeen inaysan madaxweynaha aqoonsaneyn. Dowladdu se waxay sheegtay in madaxweynahu xilka heyn doono ilaa inta laga dooranayo maamul cusub. Ma jiro waqti la og yahay oo ay doorashadu dhici doonto.

Maxaa dhici kara haddii madaxda Puntland iyo Jubaland ay ka baaqdaan shirka?

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, madaxweyneyaasha maamul goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa shirka wada tashiga qaran, iyagoo sugayay inay kusoo biiraan madaxda Puntland iyo Jubaland.

Arrimaha dhici kara haddii madaxda qaar ay shirka ku gacan seyraan waxaa ka mid ah dhib u dhac hor leh, sida uu BBC-da u sheegay Jibriil Cali Aw Maxamed oo wax ka dhiga Jaamacadda Ohio ee dalka Mareykanka, sidoo kalena falanqeeya siyaasadda.

“Maadaama ay madaxda Puntland iyo Jubaland dhagaha ka fureysteen baaqii madaxweyne Farmaajo, Beesha Caalamka ayaa hadda u heellan inay shirka soo fariisiso, heshiisna lagu gaaro in la hirgeliyo doorashadii lagu heshiiyay bishii September, 2020.

“Runtii haddii ay Deni iyo Axmed Madoobe ka baaqdaan shirkan waxaa dhici kara in ay doorashadii sii jiitanto, murankanina uu sii daba dheeraado,” ayuu yidhi Jubriil.

Lama saadaalin karo waddada kale ee furan haddii uu fashilmo shirka wali qabsoomi la’ ee rajada laga qabo inuu Muqdisho ku dhex maro madaxda Soomaaliya, kaasoo ujeeddadiisu tahay in lagu dhammeystiro heshiiskii doorashada ee la gaaray 17-kii bishii September ee sanadkii 2020-kii.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com