Afgooye oo lagu qabtay walxaha qarxa iyo raggii diyaarinayay (SAWIRRO)

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa soo bandhigay walxaha qarxa oo lagu qabtay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Dhamme Sadiiq Aadan Cali (Doodisho) ayaa sheegay in hawlgal qorsheysan oo ciidamada ammaanka ka sameeyeen Degmada Afgooye lagu fashiliyay weerar argagixiso, oo markaasi lagu diyaarinaayay degmadaasi.

Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in hawlgalkaasi lagu soo qabtay afar nin oo loo haysto falal argagixiso, kuwaa oo sida uu sheegay uu baaritaan dheeri ah ku socdo.

Sadiiq Doodisho ayaa intaa ku daray kolka baaritaanada la soo geba-gabeeyo in eedeysaneyaasha la horkeeni doono sharciga.

Tallaabada lagu fashiliyay weerarkan ayaa ku soo aadaysa toddobaad ka dib, markii Ciidamada Dowladda ay si buuxdo ula wareegeen xeradii Xoogaga AMISOM ku lahaayeen Afgooye.

Ciidanka AMISOM ayaa baneeyay Afgooye, ka dib muddo sagaal sano ah oo ay deganaayeen.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com