Madaxweyne Farmaajo oo markale shir isugu yeeray Dowlad Goboleedyada

Madaxweynaha Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa caawa markale shir isugu yeeray Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir, si looga wadahadlo doorashada muddo dhaaftay.

Wasiirka Warfaafinta Somaliya, Cismaan Abokar Dubbe ayaa sheegay in shirka uu maalinta Sabtida ka furmi doono Xerada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho.

“Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa caawa markale isugu yeeray Madaxweyne-yaasha Shanta Dowlad Goboleed iyo Gobolka Banaadir in ay shir (ice break) isugu yimaaddaan maalinta Sabtida 3-da April 2021, si looga wadahadlo hirgelinta heshiisyadii 17-kii Sepember 2020 iyo 16-kii February 2021.”

Waa markii 5aad oo Madaxweyne Farmaajo uu shir isugu yeero Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir, tan iyo markii uu muddo xileedkiisu dhammaaday 8-dii bishii February.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com