Nabadoon Maxamed Xaashi Diiriye oo caawa lagu dilay Degmada Beled Xaawo

Nabadoon Maxamed Xaashi Diiriye (Hudeey) oo ka mid ahaa Odayaasha Dhaqanka ee Gobolka Gedo ayaa caawa lagu dilay Degmada Beled Xaawo.

Rag bastoolado ku hubeysnaa ayaa Nabadoonka u galay jidka, xilli uu ka soo baxay Masaajid uu Salaaddii Cishaha ku soo tukaday, kuna sii jeeday hoygiisa.

Dilka ayaa ka dhacay halka lagu magacaabo Suuqa Tiirarka, oo ku dhow boosteejada laga raaco gaadiidka Magaalada Garbahaarey.

Goobjooge ayaa sheegay in raggaasi ay qaarka sare ee jirkiisa ka toogteen ninka odayga ah, ka hor intii aanay goobtaasi ka baxsan.

Ciidamada ammaanka oo gaaray goobtaasi ayaa ka sameeyay hawlgal aanay jirin cid ay falkaasi ugu soo qabteen.

Nabadoon Hudeey ayaa ka mid ahaa Odayaasha Dhaqanka ee sida weyn looga garanayo Degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda dilka Nabadoonka, balse hay’adaha ammaanka ayaa dilkaasi la xiriirinayaa maleeshiyada Al Shabaab.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com