Bixinta Basaboor Somaliga oo dib loo bilaabi doono 4-ta bishan

Sida ay shaacisay Hay’adda Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadda Somaliya waxaa berrito dib u bilaaban doono bixinta Basaboor Somaliga, oo muddooyinkii ugu dambeysay uu hakad ku yimid, sababo ku aaddan saamaynta cudurka COVID-19 ee dalka.

War ay soo saartay Hay’adda Laanta Socdaalka ayaa lagu sheegay in bixinta Basaboorka dib loo bilaabi doono maalinta Axadda, oo taariikhduna ku beegan tahay 4-ta bishan April.

Warka ayaa lagu sheegay in xarumaha Basaboorka lagu bixiyo ay qaabili doonaan kala bar tiradii hore loogu qaabili jiray.

Dadka tagaya xarumahan ayaa la faray in qof kasta oo imaanaya uu horey u soo qaato maaska afka lagu daboosho.

Mar sii horeysay ayaa waxaa soo baxay warar sheegaya in bixinta Basaboor Somaliga uu dib u bilaaban doono, kolka ay dhinac u dhacdo arrinta doorashada ee dalka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com