Madaxweyne Deni oo ku taliyay in dagaalka Shabaab loo midoobo

Madaxweynaha Maamulka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa cambaareeyay ismiidaamintii caawa ka dhacday Magaalada Muqdisho, dhalinyaradana lagu dilay.

Nin xirnaa jaakadda ka sameysan walxaha qarxa ayaa beegsaday oo isku qarxiyay maqaaxi lagu shaaho oo ku taala Degmada Shangaani. Lix qof oo mida uu canug yar yahay ayaa la xaqiijiyay inay qaraxaasi ku dhinteen, halka afar kalena ay ku dhaawacantay.

“Waxaan tacsida la wadaagaya qoysaskii iyo dhammaan ummada Soomaaliyeed, ee ay ka baxeen dhalinyaradii caawa agagixisadu ku xasuuqday iyagoo ku fiidsanaya Magaalada Muqdisho.” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa tilmaamay inay tani muujinayso, sida kooxaha argagixisada ay u bartilmaameedsanayaan dhalinta soo koreyso, sidaasi daraadeedna uu ku baaqayo in dagaalka Shabaab loo midoobo.

“Tani waa mid muujinaysa in argagixisadu ay beegsanayso haldoorka iyo mustaqbalkeenii berrito, sidaasi darteed waan cambaareynaya falkaasi waxaana loo baahanyahay in meel looga soo wada jeesto dhagar qabayaasha xasuuqaya ummadeena meel walba, oo ay jooggaan.” Ayuu yiri Deni.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com