Shabaab oo saaka weerar culus ku ekeeyay xeryo ay Ciidamada Dowladda degan yihiin

Maleeshiyada Ururka Al Shabaab ayaa waaberigii saaka weerar culus ku ekeeyay xeryaha Ciidamada Dowladda ku leeyihiin Degmada Awdheegle iyo deegaanka Bariire ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Weerarka ayaa ku bilowday qaraxyo waaweyn oo deegaanadaasi laga maqlay, waxaana xigay weerar toos ahaa oo maleeshiyada Al Shabaab ku ekeeyeen xeryahaasi.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in Salaaddii Subax ka dib ay maqleen qaraxyo waaweyn, isla-markaana ay xigtay rasaas xoogan oo muddo socotay.

Militariga Somaliya ayaan illaa iyo hadda wax wara ka soo saarin weerarka culus ee saaka ka dhacay Gobolka Shabellaha Hoose.

War ka soo baxay Ururka Al Shabaab ayaa lagu sheegay in maleeshiyadooda ay caqta mariyeen laba saldhig, oo Ciidanka Xoogga Dalka ku leeyihiin Awdheegle iyo Bariire.

Shabaabku waxay sheegeen in halkaasi ay ku dileen askar ka tirsan Militariga Somaliya, inkastoo aanay tiradoodu sheegin. Waxay kaloo sheegteen inay furteen saanad militari.

Dadka deegaanku ma xaqiijin karaan in Shabaabku la wareegeen xeryahaasi ciidan, bacdamaa goobaha ay wax ka dhaceen ay aag ciidan yihiin.

Shabaabka hubeysan ee dalka ka dagaalama ayaa Gobolka Shabellaha Hoose ka gaysta weerarada ugu badan ee ka dhanka ah Ciidamada Huwanta, waana xilli gobolkaasi laga fuliyo hawlgalada ugu badan ee Shabaabka lagula bartilmaameedsado gobolada dalka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com