Wasiirka Gaashaandhigga Somaliya, Xasan Xuseen Xaaji ayaa caawa ka hadlay dagaalkii qaraaraa ee maanta Ciidanka Xoogga Dalka iyo maleeshiyada Al Shabaab ku dhex maray Gobolka Shabellaha Hoose.
Shabaabka ayaa saakay weerar qaraxyo ku bilowday ku qaaday xeryaha Ciidanka Xoogga Dalka ku leeyihiin Degmada Awdheegle iyo deegaanka Bariire, halkaasoo uu dagaal faraha looga gubtay ku dhex maray.
Wasiirka ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka ay iska caabiyeen weerarkaasi, isla-markaana ay khasaaro u gaysteen maleeshiyadii Al Shabaab.
“Waxaan boggaadinayaa naftood hurreyaasha geesiyaasha ah ee habeen iyo maalin u taagan difaaca dadkooda, dalkooda iyo diintooda oo maanta dharbaaxo weyn ku dhuftay argagixisada.” Ayuu yiri Wasiirka.
Wasiirka ayaa ka tacsiyadeeyay askartii ku dhimatay dagaalka, isagoona caafimaad u rajeeyay askartii kale ee ku dhaawacantay.
Dhanka kale Wasiir Xaaji ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay si dhow ula shaqeeyaan Ciidanka Xoogga Dalka, haddii ay u taagan yihiin difaaca dalka.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage ayaa ciidamada ku ammaanay inay si weyn isaga difaaceen maleeshiyada Al Shabaab, isla-markaana ay khasaaro lixaad lihi u gaysteen.
Taliyaha ayaa tibaaxay in Shabaabku ka carareen meydad fara-badan, isagoona ballanqaaday inay soo bandhigi doonaan.
General Maxamed Tahliil Biixi, Taliyaha Ciidanka Lugta ee Xoogga Dalka ayaa sheegay in dagaalka lagu dilay 76 nin oo ka mid ah maleeshiyada Al Shabaab, waxaana uu intaa ku daray in nolosha lagu hayo 7 ka mida Shabaabka, kuwaa oo qaarkood dhaawacyo qaba.
Ururka Al Shabaab ayaa dhankooda sheegtay inay dagaalka ku dileen 47 askari, sidoo kalena ay dagaalka ku furteen saanad militari iyo lix gaari oo isugu jira afar baabuurta dagaalka, ambulance iyo gaari booyad ah.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Shabaabka khasaaraha xoogiisa lagu gaarsiiyay Awdheegle, halka Ciidanka Xoogga Dalka uu iyana khasaaraha ugu badan ka soo gaaray weerarkii Bariire.
Gelinkii dambe ee maanta ayaa Degmada Awdheegle lagu soo bandhigay meydad fara-badan oo Shabaabkii dagaalka lagu dilay ah.
Weerarkan ayaa noqonaya kiisii ugu xooganaa ee sanadkan labada dhinac ku dhex mara Gobolka Shabellaha Hoose, oo ah kan ugu badan ee hawlgaladu ka dhacaan.







Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com