Wararkii ugu dambeeyay ismiidaamin caawa ka dhacday Magaalada Muqdisho

Waxay faah faahin ka soo baxeysaa weerar ismiidaamin ahaa oo fiidnimadii caawa ka dhacay Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir.

Nin xirnaa jaakadda ka sameysan walxaha qarxa ayaa beegsaday oo isku qarxiyay maqaaxi lagu shaaho oo ku taala Degmada Shangaani.

Lix qof oo mida uu canug yar yahay ayaa la xaqiijiyay inay qaraxaasi ku dhinteen, halka afar kalena ay ku dhaawacantay.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Dhamme Sadiiq Aadan Cali (Doodisho) ayaa faah faahiyay khasaaraha ka dhashay qaraxaasi.

“Caawa abaare 19:00 fiidnimo, ayaa naftii halige isku qarxiyay goob shaah laga cabo, oo dhalinyaro isugu timaado, qasaaraha qaraxa ayaa ah 6 dhimasho ah (4 Dhallinyaro ah, 1 wiil saqiir ah iyo naftii haligihii) iyo dhaawaca 4 kale, barxada 5ta geed ee agagaarka Saldhiga Boliiska Degmada Shangaani. Allaha u naxariisto ummadda aan waxba galabsan ee argagaixisadu weerartay.” Ayuu yiri Afhayeenku.

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa cambaareeyay weerarkaasi dadka rayidka ah lagu dhibaateeyay.

“Waan cambaareynayaa falka argagixisada Al Shabaab ku laayeen dhalinyaro ku fiidsaneysay Muqdisho. Waa bahalnimo kale oo muujineysa sida ay argagixisada uga go’an tahay ciribtirka bulshada iyo mustaqbalka dalka. Allaha u naxariisto intii dhimatay dhaawacyada Allaha bogsiiyo, eheladana Samir iyo Iimaan.” Ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com