Xaaladda Magaalada Kismaayo oo caawa ka duwan habeenadii hore

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa caawa ka dhaqangalay bandow xilliyada habeenkii ah oo lagu soo rogay magaaladaasi, ka dib markii uu magaalada si weyn u saameeyay xanuunka COVID-19.

Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in bandowga lagu soo rogay magaalada uu bilaabanayo saacaddu marka ay tahay 8:00 fiidnimo, isla-markaana uu socon doono illaa waaberiga.

Magaalada Kismaayo ayaa maalmihii ugu dambeysay laga dareemay kororka dadka xanuunka ugu geeriyoonaya magaaladaasi.

Ciidamada amniga ayaa fiidkii hore ee caawa dadka ku amray inay guryahooda ku xaroodaan, iyadoo markaasi la fulinayo amarka Maamulka Jubbaland ka soo baxay ee lagu xakameynayo faafitaanka fayriska Corona.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in caawa uu aad u xadidan yahay dhaqdhaqaaqa magaalada, wadooyinkana ay ku sugan yihiin ciidamada ammaanka oo gaadiidkooda wata.

Kismaayo oo lagu tilmaamo mid ka mid ah magaalooyinka ugu amniga wanaagsan ee Gobolada Koonfurta ayaa xilliyada habeenkii ahayd mid camiran, xaalkuse caawa waa ka duwan yahay sidii hore.

Soo laba kacleynta xanuunka COVID-19 ee dalka ayaa galaaftay nolosha 400 oo qof, dadkuse waxay aaminsan yihiin in tirada dhimashada ay ka badan tahay inta ay waaxaha caafimaadku diiwaangeliyeen.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com