Dadka uu soo ritay COVID-19 oo Oxygen la’aan ugu geeriyoonaya G/mudug

Maamulka Gobolka Mudug ee Galmudug ayaa qaylo dhaan ka muujiyay Oxygen la’aan xilligan ka jirta isbitaalada gobolkaasi, xilli uu saameeyay xanuunka COVID-19.

Dadka uu soo ridanayo xanuunka COVID-19 ee gobolka ayaa waxaa la sheegay inay kordheen, isla-markaana ay soo badanayaan dadka Oxygen la’aanta ugu geeriyoonaya gobolkaasi.

Cabdiraxmaan Cali Diiriye (Isxal), Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Galmudug ayaa sheegay in dadka uu soo ritay xanuunka ay gobolka ugu dhimanayaan bilaa Oxygen.

Gudoomiyaha oo la hadlay Warbaahinta waxaa uu sheegay inaanay dadku heli karin Oxygen in ku filan ah, waana tan keentay in dadka ugu geeriyoodaan Oxygen la’aanta.

Gudoomiyaha oo walaac ka muujiyay xaaladda caafimaad ee gobolkaasi ayaa dhanka kale sheegay in isbitaalo yar yar ay isku deyayaan inay la tacaalaan xaaladaha COVID-19 ee bartamaha dalka.

Mowjadda 2aad xanuunka COVID-19 ee dalka ayaa ka faafid ogyahay kii hore ee dalka ka dilaacay sanadkii 2020.

Fayriska Corona ayaa billihii February iyo March galaaftay nolosha 400 oo qof, dadkuse waxay aaminsan yihiin in tirada dhimashada ay ka badan tahay inta ay waaxaha caafimaadku diiwaangeliyeen.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com