Militariga Kenya oo qarax lagula eegtay gudaha dalkaasi

Gaadiid ay la socdeen Ciidanka Militariga Kenya ayaa qarax miino lagula eegtay Magaalada Lamu ee Gobolka Xeebta Kenya.

Qaraxan oo ahaa miino wadada dhinaceeda la dhigay ayaa haleelay mid ka mid ah gaadiidkii ay la socdeen Militariga Kenya.

Ururka Al Shabaab oo sheegtay masuuliyadda qaraxaasi ayaa dhinaca kale sheegay in wadihii gaarigaasi uu ku dhintay qaraxa, askar kalena ay ku dhaawacantay.

Xukuumadda Nairobi ayaan weli ka hadlin qaraxan ugu dambeeyay ee ciidamadeeda lagula eegtay gudaha dalkaasi.

Lamu oo dhacda xuduudda Kenya la wadaagto Somaliya ayaa waxaa marar badan ka dhacay weeraro iyo qaraxyo ay ka gaysteen dagaal-yahanada Al Shabaab.

Weerarada Jaziirada Lamu ayaa kordhay, tan iyo markii Militariga Kenya ay gudaha u soo galeen Gobolada Koonfureed ee Somaliya, daba-yaaqadii sanadkii 2011.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com