Qoorqoor iyo sida loogu soo dhaweeyay Dhuusamareeb (SAWIRRO)

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa galabta gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud, ka dib 45 maalmood oo uu ka maqnaa.

Madaxweynaha Galmudug ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Ugaas Nuur ku soo dhaweeyay Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug, Cali Daahir Ciid, Gudoomiyaha Baarlamaanka, Maxamed Nuur Gacal, Wasiiro, Xildhibaano iyo dadweyne kale.

Madaxweynaha ayaa dib ugu laabtay Magaalada Dhuusamareeb, isagoo gudanaya qodob dastuuri ah, bacdamaa dastuurka Galmudug uu qeexayo inaanu Madaxweynaha safar ku maqnaan karin wax ka badan 45 cisho.

Madaxweynaha ayaa caawa ku hooyanaya Madaxtooyada Dhuusamareeb, waxaana la filayaa inuu dib ugu laabto Magaalada Muqdisho, halkaasoo uu shir uga socdo Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.

Dib ugu laabashadiisa Magaalada Dhuusamareeb ayaa ku soo aadaysa, xilli deegaanada Galmudug uu si weyn u gilgilayo xanuunka COVID-19, xaaladda Dhuusamareeb ayaana degan, marka loo eeggo magaalooyinka kale ee Galmudug oo dad badani ay ugu geeriyoodeen xanuunkaasi.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com